Isniin 10-02-2025 {CBB}Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa bogaadiyay halgallada ka dhanka ah Al-shabaab iyo Daacish, gaar ahaan dagaalka Daacish ee Ciidamada Puntland ay kula dagaalamayaan Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Wasiirka ayaa sheegay in Daacish ay yihiin koox ka soo farcantay fikirro Xagjir ah oo ka soo billawday waddamo kale, isaga oo tilmaamay in khatar ku yihiin bulshooyinka jiritaankooda ayna waajib tahay in lala dagaallamo.
“Daacish, waa koox kasoo farcantey fikrado xagjir ah oo kasoo bilowday wadamo kale, waa khatar caalami ah oo soo dhibaateysay bulshooyin badan oo caalamka ah. Wadammo badan ayaa looga adkaadey, balse dagaalkani wuxuu noqon doonaa meeshi ugu dambeysay co lagu jebiyo”. ayuu yiri, Wasiir Cali Xoosh.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in aan la dhayalsan khatartooda ayna lagama maarmaan tahay in si wadajir loo wajaho; lagana fogaado khilaafka siyaasadeed iyo wax kasta oo bulshada kala geyn kara.
“Waa in aan la dhayalsan hoosna loo dhigin khatartooda, waxaa lagama maarmaan ah iskaashi, wadajir, iyo midnimo Qaran. Waa in laga dheeraado khilaafaadka siyaasadeed iyo wax kasta oo buishadda kala qeybinkara, lagana shaqeeyo abuuridda jawi midnimo”. ayuu yiri, Wasiir Cali Xoosh.
Dhanka kae, Cali Xoosha ayaa sheegay in Dagaalka lagula jiro Daacish uu ahayn mid ku kooban Puntland kaliya, laakiin uu yahay dagaal la xiriira dhammaan mustaqabalka Soomaaliyeed ayna waajib guud tahay Dagaalka Daacish, si loogu adkaado loogana ciribtiro dhulka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa soo dhaweeyay baaqii uu maalma ka hor Madaxweynaha Puntland ugu baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka kooxda Daacish.
“Waxaan soo dhoweynayaa baaqii Madaxweynaha Puntiand ee ku aadanaa in laga wada qeybqaato la dagaalanka kooxdan Daacish, waana mid u baahan in si wadajir ah looga dhabeeyo”. ayuu yiri, Wasiir Cali Xoosh.
Baaqa Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa ku soo aadayo xilli Puntland dagaal kula jirto Daacish; iyaga oo kala wareegay deegganno kaabbiga ku haaya Buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, dhawaanna Madaxweyna Puntland ku baaqay in laga wada qeyb qaato dagaalka Daacish.







