Jimco 28, Feb 2025 {CBB}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa sheegay in howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ay kasii soconayaan deegaannada Maamulkaas kaddib markii qarax lala eegtay saraakiil iyo ciidan.
Laftagareen ayaa sheegay in howlgallada lasii xoojinayo waajibna uu ka saaran yahay inta nool maadaama saraakiisha geeriyootay ay naftooda waayeen iyaga oo ku dedaallada dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ sida uu hadalka u dhigay.
Waxa uu ku baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado howlgallada si loo xoojinayo nabadgalyada deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed, waxa uu caafimaad u rajeeyay askarta iyo saraakiisha dhaawaca ah.
“Howlgallada Amniga ma joogsanayaan waa ay sii soconayaan, qarax baa dhacay uma istaagayaan, inta nool ayaa sii wadeysa dagaalka ka dhanka ah Cadawga, Intii dhimatay allaha u naxariisto” MW DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen.







