Axad 23, March 2025 {CBB}War saxaafadeed ka soo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay 10 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo isku dhiibay ciidamada ammaanka..
“Dhamaan isasoo dhiibayaashan oo ka kala tirsana qeybaha khawaariijta ayaa isku soo dhiibey NISA kadib markey fahmeen xanuunka ay leedahay dhibaateynta shacabka iyo dagaalada lagu afjaraayo khawaariijta.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Xubnahan isasoo dhiibey ayaa dowlada iyo shacabka ka codsadeen in la cafiyo si ay ula midoobaan bulshada.
Maalmihii ugu dambeeyay xubnaha Al-shabaab ayaa u adkeysan waayay duqeymaha iyo dagaalka tooska ah ee ka socda dalka.