Home WARARKA MAANTA Maamulka Xaafada Howlwadeeg ee Magaalada Baydhabo oo afur wadareed u sameyay Mas’uuliyiin...

Maamulka Xaafada Howlwadeeg ee Magaalada Baydhabo oo afur wadareed u sameyay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.

74
0

Isiin 24, March 2025 {CBB}Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Koonfur Galbeed, Maamul degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Maamulka Xaafada Howlwadeeg ee magaalada Baydhabo ayaa ka qeybgaley afur wadareed ka dhacay mid ka mid ah baraha kontarool ee ku yaala Xaafada Howlwadeeg.

Maamulka Xaafada Howlwadeeg ayaana soo agaasimey Afur wadareedkan, tanina waxa ay qeyb ka tahay dadaalada ay wado dowlada hoose ee degmada Baydhabo.

Gudoomiyaha Xaafada Howlwadeeg Abshir Khaliif ayaa ugu horeyntii faahfaahiyey u jeedada kulankan waxaa uuna balanqaaday iney xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeysa Maamulka Degmada Baydhabo.

Gudoomiyaha arimaha bulshada degmada Baydhabo Aadan Carab ayaa dhankiisa ka hadlay Afurkan lagu qabtay Xaafada Howlwadeeg ee magaalada Baydhabo.

Gabagabadii Wasiir ku xigeenada Wasaaradda Amniga Koonfur Galbeed, ayaa bogaadiyey kaalinta ciidamada ay ka qaataan sugida amniga magaalada Baydhabo.

Intaasi ka dib Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada degmada Baydhabo Aadan Carab ayaa kormeerey habsami u socodka Ganacsiga habeenkii ee suuqa Al-furqaan ee Xaafada Howlwadeeg ee magaalada Baydhabo.

Gudoomiye Aadan Carab ayaa mid mid u dul istaagay Dukaamada iyo Goobaha Ganacsiga suuqa waxaa uu Amaanay amniga Baydhabo iyo dhiirananta Ganacsatada Xaafada Howlwadeeg.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here