Isniin 24, March 2025 {CBB}Mashqulka faraha badan ee ka jira suuqa magaalada Baydhabo ma lahan habeen iyo maalin, goobaha lagu iibiyo dharka iyo xarqaamada lagu talo intaba waa ku aad u mashqul ah.
Haba u badnaatee xiliyada habeenkii Dad fara badan ayaa suuqa u soo doonta si ay uga farxiyaan caruurtooda, qaarkood ayaase doonaya iney labistaan.
Isdhaafsiga Ganacsatada iyo macaamiishooda ayay durbadiiba indhahaagu qabanayaan markii aad gudaha u gasho suuq magaalada Baydhabo.
Ciid mashqulkeeda wadata iyo diyaar garowga bulshada ayaa Baydhabo si weyn loogu dareemay.
Qaarkood shacabka Baydhabo ayaa xili habeen ah kula kulmay waxay ka sheekeeyeen siyaabaha kala duwan ee ay halkan u yimideen.
Dhalinyarada ka shaqeysta tolista dharka ayaa dhankooda fursad u arka ciida waxay soo jeedaan inta badan habeenkii iyo maalintii si ay uga shaqeyeen macaamilka doonaya in dharka loo tolo.
Guud ahaan, magaalada Baydhabo ayaa u muuqata mid si weyn ugu diyaar garoobeysa soo dhaweynta Ciidul-Fidriga, iyadoo dadka iyo ganacsataduba ay muujiyeen firfircooni dheeraad ah oo ku aaddan diyaar garowga munaasabadda.








