Home WARARKA MAANTA Ciidanka Booliiska Gaarka ah KGS Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay...

Ciidanka Booliiska Gaarka ah KGS Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Degmada Berdaale ee G/Baay.

91
0

Isniin 24, March 2025 {CBB}Ciidanka daraawishita gaarka ah KGS ee degmada Berdaale oo kaashanaya Sirdoonka KGS ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay Deegaanka Mundala Sheela oo u dhaxeyso Berdaale iyo Loowgoof.

Howlgalka waxaa lagu diley horjooge Adan Qaddiid oo ahaa horjoogihii Al-shabaab u qaabilsan lacagaha baadda oo ay ugu yeeraan Zakawaadka wuxuna dhibaato ku haayey dadka ku nool deegaanada hoostagta Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Horjoogaha ayaa Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee KGS ka soo furteen qori AK47 iyo booshkiisa iyo mooto fekom.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here