Isniin 24, March 2025 {CBB} –
Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi oo ah Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa haweeneyda keliya ee katirsan 25ka Wasiir ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Fardowsa Cismaan Cigaal oo Haweenka Wasiirrada ah kula lamaan ahayd ayaa dhowaan xilka laga qaaday, waxa ay sidaas Khadiija Maxamed Al-Makhzuumi ku noqotay Haweeneyda keliya ee Wasiiradda Xukuumadda Dan-Qaran katirsan.
Al-Makhzuumi oo labo Wasaarad oo kala duwan kasoo qabatay Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kol hore laga soo wareejiyay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbaddelka Cimillada iyada oo Haweenka iyo xuquuqul insaanka loo dhiibay.
Siyaasadda Soomaaliya in ay ku dhisan tahay saami qaybsiga beelaha 4.5 waxaa wehliya in lagu saleeyo sadka dumarka loo gooni yeelay ee ah in ay yeeshaan 30 boqolkiiba, halka kursi ee Wasiirrada ku leeyihiin Haweenkana kama dhignaan karto in ay heystaan boqolleydaas.







