Wasiirka wasaaradda caafimaadka DGKS Said Ahmed Ali oo uu wehlinaayo Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Dr. Ibrahim Adan Ali ayaa ka qayb galay daahfurka tababarka gabdhaha Marwo Caafimaad oo laga kala soo xulay xaafadaha magaalada Baydhabo tiradooda gaareysa 48 gabdhood kuwaas oo mudada uu tababarka soconaaya qaadan doona casharada iyo xirfad laxiriirta shaqadooda mashruuca Marwo Caafimaad (FHWs). Mudada uu soconaaya tababarka waa 35 maalmood oo aad diirada lagu saaraya sidii gabdhaha aqoontoda iyo xirfadooda kor loogu qaadaya.
Wasiir Said Ahmed ayaa aad ugu fogaaday sharaxaad dheeri ah ka bixiyey muhiimada tababarka uu uleeyahay gabdhaha si ay ugu adeegaan bulshada dagan magalada baydhabo iyo nawaaxigeeda aad ugula dardaarmay in ay shaqadooda ku daraan Alla kacabsi si ay cibaado iyo shaqo wanaagsan ugu noqato.
Waxaa si balaaran u daahfuray tababarka wasiirka wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka DGKS