Talaado 25, March 2025 {CBB} Labo qof ayaa ku geeriyoodey ceel laga qodayey xaafad ku taalla caasimada ku meelgaarka Koonfur Galbeed ee Byadhabo.
Labo nin oo lagu kala magacaabi jirey Isxaaq iyo Wardheere ayaa mid ka mid ah kolkii hore ku dhacay ceelka halka midka kalana uu rabay inuu badbaadiyo Saaxibkiisa.
Balse qadarta rabi labadooduba waxaa la soo saaray iyagoo meyd ah.
Waxay ceel kaas ay ku jireen in ka badan 5 saacadood.
Labo ka mid ah dadkii goobjooga u ahaa dhacdadan argagax ga leh ayaa ugu horeyntii ka hadlay sida ay wax u dhaceen.
Gudoomiyaha Gobolka Baay Cali Wardheere dooyow ayaa isagana fariin u direy shacabka waxaana uu ka hadlay dhacdadan.








