Jimco 28, March-2025 {CBB} –Guddoomiyaha degmada Berdaale, Mudane Maxamed Isxaaq Xasan (Caracase), ayaa ka warbixiyay howlgallo amni xaqiijin ah oo ay ciidamada ammaanka ka fuliyeen xaafado ka tirsan degmada.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada ay sameeyeen baaritaanno ballaaran oo lagu xaqiijinayo nabadgelyada, lagana hortagayo falalka amni-darro ee ay gaystaan kooxaha ka soo horjeeda nabadda. Waxa uu xusay in shacabka degmada Berdaale ay si dhow ula shaqeynayaan laamaha ammaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida.
“Howlgalladan waa kuwo joogto ah oo looga gol leeyahay in lagu sugo nabadda iyo kala dambeynta. Waxaan shacabka ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amniga guud ee degmada,” ayuu yiri Guddoomiye Caracase.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay dad looga shakisan yahay falal amni-darro, kuwaas oo baaritaanno dheeraad ah lagu sameynayo. Mas’uuliyiinta degmada ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xasilinayo deegaanka, si looga hortago khataraha ka imaan kara kooxaha nabad-diidka ah.











