Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Goobaha lagu sameeyo macmacaanka ee magaalada Baydhabo oo laga dareemayo diyaar garowga Ciida.

Sawiro;-Goobaha lagu sameeyo macmacaanka ee magaalada Baydhabo oo laga dareemayo diyaar garowga Ciida.

91
0

Jimco 28, March-2025 {CBB} –Iyadoo ay sii dhawaanayso Bisha Barakeysan ee Ramadaan, waxaa si weyn looga dareemayaa Baydhabo, Diyaargarowga munaasabadda goobaha lagu sameeyo macmacaanka, Goobaha laga sameeyo iyo dadka ku ganacsada ee ka shaqeysa sameynta iyo iibinta macmacaanka ayaa kordhiyay dadaalkooda si ay u daboolaan baahida sii kordheysa ee macaamiisha.

Qaar ka mid ah dadka sameeya macmacaanka ee Baydhabo, oo la hadlay oo nala hadley, ayaa sheegay in baahida macmacaanka ay sare u kacday, taasoo keentay in ay kordhiyaan wax-soo-saarkooda. Waxay xuseen in dadku ay jecel yihiin in ay ciidaha cunaan cuntooyin kala duwan oo ay ugu horreyso macmacaanka.

 

Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay sii kordhaan dhaqdhaqaaqyada suuqyada iyo goobaha ganacsiga maadaama ay dadku sii wadaan diyaar-garowga munaasabadda Ciidul Fitriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here