Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Maamulka Degmada Baraawe ee Caasimda Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed oo kormeer...

Sawiro;-Maamulka Degmada Baraawe ee Caasimda Dowladda Gobaleedka Koonfur Galbeed oo kormeer ku tagey Suuqyada ganacsi ee magaalada Baraawe.

57
0

Sabti 29, March-2025 {CBB}Maamulka Degmada Baraawe oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Degmada Baraawe ahna Duqa Degmada, Mudane Cumar Cabdullaahi Maxamed, iyo ku-xigeenkiisa koowaad, Cabdi Axmed Yuusuf, ayaa kormeer ku tegay suuqyada ganacsiga ee magaalada Baraawe.

Kormeerkan ayaa yimid maadaama lagu jiro maalmaha ugu dambeeya ee bisha Ramadaan, iyadoo ay foodda nagu soo hayso munaasabadda Ciidul Fitriga.
Masuuliyiinta maamulka degmada waxaa kormeerka ku wehliyay saraakiisha amniga degmada iyo xubno ka tirsan golaha deegaanka degmada, Isuduwaha wazaarada Ganacsiga Iyo Warshadaha Degmada
Intii lagu guda jiray kormeerka, mas’uuliyiintu waxay la hadleen ganacsatada iyo shacabka ku sugnaa suuqyada, iyaga oo ku boorriyay in ay xoojiyaan nabadgelyada iyo nadaafadda. Waxay sidoo kale ku adkeysteen muhiimadda ay leedahay in si caddaalad ah loo qaabeeyo qiimaha badeecooyinka inta lagu jiro munaasabadda Ciidul Fitriga.
Kormeerkan ayaa ahaa mid lagu xaqiijinayo in ganacsigu si nabad ah u dhaco, si bulshadu ugu dabaaldegto ciidda iyadoo ku jirta xaalad nabdoon.
May be an image of 4 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people, sugar candy, newsagent and textMay be an image of 10 people, newsagent and textMay be an image of 10 people, crowd and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 4 people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here