Home WARARKA MAANTA Taliska Booliska Degmada oo soo saaray Awaamiir amni oo la xiriira Ciida.

Taliska Booliska Degmada oo soo saaray Awaamiir amni oo la xiriira Ciida.

69
0

Sabti 29, March-2025 {CBB}Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Baydhabo Gaashaanle Dhexe Mukhtar Axmed Ibraahim Dugudow oo shir jara’id qabtay ayaa soo saaray Awaamiir kala duwan oo ku socota Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo.

Taliye Dugudow ayaa ku amray waaladiinta ku dhaqan Baydhabo ineysan Caruurtooda u ogolaan iney Caruurtooda ku ciyaaraan waddooyinka maadaama goobihii Waxbarashada ay yihiin fasax.

Sidoo kale taliyaha ayaa daraawalada in maalinta ciida ah aysan gawaarida u wadin si xowl ah maadaama ay tahay maalin farxadeed oo magaalada ay mashqul tahay.

Taliyaha ayaa dhanka kale ka hadlay bustooladaha Caruurta ay ku Ciyaaraan maalinta ciida waxaa uu faray Ganacsatada iibiya iyo waaladiinta in la ilaaliyo sharciga loona hagaansamo Awaamiirta Booliska Degmada Baydhabo.

Sacado kooban ayaa ka harsan dabaaldega Munaasabada Ciida Soonfur waxaana si weyn loo adkeeyey Amaanka degmada Baydhabo oo xarun ku meelgaar u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Qorac ;- Maxamed Ali  (Baaqow)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here