Home WARARKA MAANTA Taageero Loo Muujiyay Howlgalka Lagula Dagaallamayo Al-Shabaab ee Ceelbarde.

Taageero Loo Muujiyay Howlgalka Lagula Dagaallamayo Al-Shabaab ee Ceelbarde.

80
0

 

Shacabka ku dhaqan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa si buuxda u muujiyay taageeradooda ku aaddan howlgalka lagu ciribtirayo Al-Shabaab, iyagoo banaanka u soo istaagay in ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu xoreynayo dalka.

Dadweynaha degmada ayaa isku soo baxay iyagoo ku dhawaaqaya in ay garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida iyo dadka deegaanka ee dagaalka kula jira Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha amniga ayaa uga mahadceliyay shacabka doorkooda, iyagoo xusay in iskaashiga bulshadu uu xoojinayo guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda argagixisada ah.

Howlgallada ka socda gobollada dalka ayaa qayb ka ah dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in dalka looga xoreeyo Al-Shabaab, iyadoo la isku howlayo sugidda amniga iyo horumarinta deegaanada laga saaro kooxdaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here