Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Maamulka Degmada Xudur Iyo Bulshada oo Sameyey Salaad Roob-doon ah.

Sawiro;-Maamulka Degmada Xudur Iyo Bulshada oo Sameyey Salaad Roob-doon ah.

49
0
Jimco 04, April-2025 {CBB} –Gudoomiyaha Degmada Xudur Ahna Duqa Magaalada Mudane Maxamed Macalin Axmed, iyo Boqolaal ka mid ah shacabka magaalada Xuddur ayaa maanta isugu soo baxay fagaaraha weyn ee garoonka Dr Waaberi, iyagoo tukaday salaad roob-doon ah.
Salaaddan roob-doonka ah ayaa ka dhacday xilli deegaanka uu wajahayo abaar daran, kuleyl xooggan iyo biyo la’aan saamayn ku yeelatay nolasha dadka iyo xoolaha. Bulshada ayaa si wadajir ah Alle ugu bariday inuu roobkiisa naxariista leh kusoo waraabiyo, lagana dulqaado dhibaatooyinka taagan.
Waxa goobta laga dareemayay isu-duubni, iimaan iyo dareen wadajir ah oo muujinaya sida ay bulshadu ugu midoobi karto xaaladaha adag. Culimada ayaa halkaas ka jeediyay ducooyin iyo waanooyin ku saabsan sabirka, Alle baryada iyo in bulshadu isku tiirsanaato.
Hoos ka Daawo;- Sawirada 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here