Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Baydhabo oo laga her geliyay Maqaaxi ay ka shaqeeyaan ku dhowaad 10 gobdhood.

Sawiro;-Baydhabo oo laga her geliyay Maqaaxi ay ka shaqeeyaan ku dhowaad 10 gobdhood.

105
0

Jimco 04, April-2025 {CBB} –Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo mudooyinkii lasoo dhaafay ay sameeyneysay horumaro dhan walba leh ayaa waxaa kusoo badanaya Ganacsiyada casriga ah ee ay la yimideen dhalinyarada ku waxna ku bartay kuna barbaaray deegaanka.

Maqaaxida Berde Cofee oo dhowaan albaabkeeda laga balaqay magaalada Baydhabo ayaa ah goob kulansatay rag iyo dumar u diyaarsan iney u dhaqa nuglaadaan macaamiisha Berde Cofee ee magaalada Baydhabo.

Maqaaxidan Casriga ee Berde waxaa ay kaga duwan tahay maqaaxidaha kale ee Baydhabo ayaa ah in fursadaha laga siiyey Gabdhaha ayna ka shaqeeyaan in ku dhowaad 10 Gabdhood.

Qaarkood ayaa tilmaamay iney ku faraxsan yihiin fursaddan ay ka heleen Berde Cofee iyagoo tilmaamay iney u mahad celiyaan maadaama ay u noqotay shaqo abuur ay ku maareyn karaan noolashood iyo mid qoyskooda.

CODKA 1-AAD

Macaamiisha ku xiran Berde Cofee ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maqaaxi casri ah oo ay ka heleen adeegyo Dhamaystiran laga her geliyo Baydhabo Janaay.

CODKA 2-AAD

Cabdimalik Mukhtar Maxamed oo ah maamulka Maqaaxida Berde Cofee ee Baydhabo ayaa dhankiisa ka hadlay adeegyada ay qabto

iyo sida ay ula macaamilaan Macaamiisha Maqaaxida Berde Cofee ee magaalada Baydhabo.

CODKA 3-AAD

Maqaaxida Berde Cofee ayaa dhowaan laga daah-furay magaalada Baydhabo waxaana hal abuurkan la yimid dhalinyarada deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here