Home WARARKA MAANTA Wafdi hordhac u ah RW xamse oo gaaray laascaanood

Wafdi hordhac u ah RW xamse oo gaaray laascaanood

6
0

Arbaco, 09, April 2025 {CBB} Wafdi hordhac u ah Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ka kooban labada gole ee dowladda iyo ciidamo amniga sugaya, ayaa gaaray Laascaanood.

Waxaa la filayaa in ay diyaarinayaan maamuuska iyo qabanqaabada booqashada Ra’iisul Wasaare Xamse oo hore u sheegay in safarka ka qeyb qaadan doono Mideynta dalka.

Ra’iisul wasaaraha markuu tago Laascaanood, wuxuu kulamo la yeelan doona Mas’uuliyiinta iyo Shacabka SSC Khaatumo.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa diidmo ka muujiyay Maamulka Somaliland oo sheegay in deegaannada SSC Khaatumo ay iyagu maamulaan.

Wixii warar ah ee ka soo kordha halkaan kala soco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here