Jimco 16 Oct 2026 {CBB}Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulan looga hadlay Amniga la qaatay saraakiil katirsan Maamulkiisa kaddib markii uu kordhay culays ciidan ee uga imaanaya dhinaca Maleeshiyaadka taabacsan Laftagareen.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Hoggaamiye Aadan Madoobe ayaa saraakiisha oo qaarkood uu kala hadlay Teleefan u sheegay in ay xoojiyaan nabadgalyada Deegaannada ay gacanta ku hayaan kana hortagaan weerarrada ka dhan ah Maamulkiisa.
Waxaa la sheegay in kulanka diiradda lagu saaray sidii looga hortagi lahaa go’doon la geliyo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koofur Galbeed iyo Magaalooyin kale oo intooda badan katirsan Gobolka Baay sida xogaha la helayo ay tilmaamayaan.
Weerarkii Maleeshiyaadka Laftagareen ay ku qaadeen Degmada Buurhakaba waxa uu dhaliyay su’aalo badan oo dhinaca Amniga iyo Mustaqbalka Deegaannada Maamulka Koofur Galbeed la xiriira maadaama ay wax ka baddeleen qorshihii la xiriiray keliya in ay beegsadeen Baydhabo.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee isugu jira Federaalka iyo kuwa Maamulka Koofur Galbeed ayaa la faray in ay qaadaan weerarro ka dhan ah Maleeshiyaadka Laftagareen & AS si looga hortago duullaanka ay ku qaadayaan Magaalooyinka muhiimka ah.







