Home WARARKA MAANTA MW Xasan Sheekh “Qof la weerarayo Ma jirto, mana qabto hal qof...

MW Xasan Sheekh “Qof la weerarayo Ma jirto, mana qabto hal qof Siyaasi ah oo xabsi ku jira”

1
0

Jimco 16 Oct 2026 {CBB}Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay meesha ka saaray hadal-haynta la xiriirta in Dowladdu ay qorsheyneyso duullaan ka dhan ah Siyaasiyiinta kasoo horjeedda, waxaana uu gabi ahaan ku tilmaamay arrin aan dhankooda ka sahlanayn.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in lagu kala aragti duwanaan karo Siyaasadda keliya waxa lagu xalin kara ay tahay in laga wadahadlo sidaas awgeed uu marweliba uu furan yahay albaabka wadaxaajoodka sida uu hadalka u dhigay.

“Cid dagaal lagu qaadayo iyo cid dagaal u socota ma jirto, siyaasad qori caaraddiisa lagu fulinayo ma jirto, qof iyo guri la weerarayo ma jirto, waxaana caddayn u ah ma jiro qof siyaasi ah oo xabsi ku jira” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, waxa uu carrabka ku dhuftay in mustaqbalka dalka iyo sida loo hoggaaminayo ee loolanka loogu jiro uu yahay albaab u furan qof weliba oo is huba, Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in ay diyaar u yihiin dhagaysiga dadka doodaha qaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here