khamiis 10, April-2025 {CBB}Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada oo Shir gudoomiyey kulanka bilaha ah ee shaqaalaha wasaarada.
Wasiirka wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Koofur Galbeed Somalia Mudane Mohamed Hassan Faqi ayaa kulan la qaatey shaqaalaha wasaarada wuxuuna warbixin ka dhegeystey agaasimaha guud ee wasaarada mudane Mohamed Sufi Adan.
Inta uu kulanka socdey waxaa looga hadley shaqooyinka muhiimka ah ee wasaarada sidii loosii joogteyn lahaa isla markaana dhamaan shaqaalaha ay ku dadaalaan gudashada waajibaadkooda shaqo.
Gabagabii shirka wasiirka wasaarada ayaa magacaabey gudiga qaban qaabada munaasabada maalinta shaqaalaha aduunka ee 1da May, wuxuuna kula dardaarmey gudiga iyo dhamaan shaqaalaha wasaarada in loo diyaar garoowo mumaasabada caalamiga ah ee 1da May.








