Home CIYAARAHA Real Madrid Oo Go’aan Rasmi Ah Kasoo Saartay Mustaqbalka Militão

Real Madrid Oo Go’aan Rasmi Ah Kasoo Saartay Mustaqbalka Militão

76
0

Axad 13, April-2025 {CBB}

Warbixin ka timid warbaahinta Spain ayaa daaha ka rogtay mustaqbalka xiddiga reer Brazil ee Éder Militão, kaasoo haatan dhaawac uga maqan kooxda Real Madrid.

Wargeyska Isbaanishka ah ee “AS” ayaa sheegay in Militao uu qeyb ka ahaan doono liiska ciyaartoyda kooxda xilli ciyaareedka soo socda, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo kooxda ku doonayso inay ku iibiso ama ay ku dirto.

Ilo-wareedka ayaa sidoo kale sheegay in Militao uu si adag uga shaqeynayo sidii uu u noqon lahaa mid si buuxda ugu diyaar ah inuu dib ugu soo laabto garoomada marka uu bilowdo xilli ciyaareedka cusub.

Militao waxa uu ka maqnaa kooxda boqortooyada tan iyo markii uu dhaawac ka gaaray qeybaha hore ee jilibka kulankii wareegga 13-aad ee La Liga bishii November, ciyaar ay la yeesheen Osasuna.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here