khamiis 01, May 2025 {CBB} Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay isugu yimaadeen hoggaanka sare ee booliiska iyo qeybaha kala duwan ee laamaha amniga, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, la dagaalanka tahriibka iyo ka hortagga falalka amniga lidka ku ah.
Kulanka oo ka dhacay xarunta taliska guud ee ciidanka booliiska, ayaa lagu falanqeeyay xaaladda guud ee amni ee caasimadda iyo doorka ciidamada booliiska ee la dagaalanka khataraha Al-shabaab, kuwaas oo marar badan dhibaato ku haya shacabka.
Taliyaha ayaa u mahadceliyay howl-wadeenada amniga u xilsaaran dadaallada joogtada ah ee ay ku sugayaan nabadgelyada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka, isagoo xusay in Booliisku yahay tiirka koowaad ee amniga bulshada.
Sidoo kale, Taliye Asad Cismaan ayaa magacaabay guddi farsamo oo gaar ah, kuwaas oo lagu wado inay qiimeyn buuxda ku sameeyaan xaaladda amni ee caasimadda, si loo dardargeliyo la dagaallanka Khawaarijta, loona sugo badqabka shacabka.
Taliska booliiska ayaa ballan qaaday inuu sii wadayo la shaqeynta bulshada, hay’adaha amniga iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo mustaqbal amni leh.







