Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka oo Lagu Qabtay Baydhabo

Sawiro;-Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka oo Lagu Qabtay Baydhabo

74
0

khamiis 01, May 2025 {CBB}Baydhabo, 1-da May 2025Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu qabatay magaalada Baydhabo munaasabad lagu xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha Adduunka.

Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Koofur Galbeed, Mudane Mohamed Hassan Faqi, qaar ka mid ah Golaha Wasiirrada koofur galbeed, Xildhibaano heer dowlad goboleed, Guddoomiyaha degmada Baydhabo, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday qeybaha kala duwan ee dowladda iyo ururada bulshada rayidka ah.
Xafladda oo ahayd mid si weyn loo agaasimay ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay Maalinta Shaqaalaha Adduunka oo ku beegan 1-da May, iyadoo lagu dhiirrigeliyey shaqaalaha kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaataan horumarinta bulshada iyo dalka.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Mohamed Hassan Faqi ayaa khudbadiisa kaga hadlay sida ay wasaaraddu uga go’an tahay difaaca xuquuqda shaqaalaha, kor u qaadidda xaaladooda shaqo, iyo dhiirrigelinta shaqo-abuurka dhalinyarada.
Masuuliyiinta kale ee ka hadlay madasha ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ilaalinta xuquuqda shaqaalaha, gaar ahaan kuwa dowladda iyo shaqaalaha aan dowliga ahayn, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo nidaamka shaqaalaha, isla markaana la abuuro jawi shaqo oo cadaalad ku dhisan.
Ugu dambeyn, munaasabadda ayaa lagu soo gabagabeeyay hambalyo iyo bogaadin loo diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, iyada oo lagu celceliyey ballanqaadka dowladda Koofur Galbeed ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda iyo wanaajinta xaaladda shaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here