Jimco 02, May 2025 {CBB} Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abdisalam Abdi Ali ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Pakistan, Senator Mohammad Ishaq Dar.
Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay Iskaashiga Soomaaliya iyo Pakistan ee dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, iyaga oo adkeeyay muhiimada in la sii xoojiyo.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan, ayaa dhigiisa Soomaaliya warbixin ka siiyay xiisadda kala dhaxeysa Hindiya, isaga oo tilmaamay in Xukumadda Delhi qaaday tillaabooyin aan wanaagsaneyn.
Dhankiisa, Wasiir Abdisalam Abdi ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo waddooyin diblomaasiyadeed si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Labada mas’uul, oo Soomaaliya iyo Pakistan ku matalaya kuraasta aan joogtada aheyn ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay (UNSC), ayaa sidoo kale isku afgartay inay xoojiyaan iskaashiga dhinaca iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya labada dowladood.







