Jimco 02, May 2025 {CBB} – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa gaaray magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria, isaga oo hoggaaminaya wafdi xildhibaanno ah oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Wafdiga Guddoomiyaha ayaa lagu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Algiers, halkaas oo ay ku qaabileen Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria, Ibrahim Boughali, xubno ka tirsan Baarlamaanka Algeria, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka qeyb geli doona Shirka Guddoomiyaasha Baarlamaanada Wadamada Carabta, kaas oo maalmaha soo socda si rasmi ah uga furmi doona magaalada Algiers.
Inta lagu jiro shirka, Guddoomiyuhu waxa uu ka jeedin doonaa khudbad diiradda saareysa muhiimadda uu shirka u leeyahay Soomaaliya, iyadoo sanadkan si gaar ah looga doodi doono xaaladda dalalka Carabta, gaar ahaan arrinta Falastiin.
Sidoo kale, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa inta uu joogo Algeria la kulmi doona madaxda ugu sarreysa dalkaas oo martigelinaya shirka, iyo sidoo kale guddoomiyeyaasha baarlamaanada kale ee ka qeyb galaya, isagoo yeelan doona kulamo gaar ah.







