Jimco 02, May 2025 {CBB} –Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Shirka Caalamiga ah ee DIHAD ee Lagu Qabtay Dubai.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gargaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa magaalada Dubai ee dalka Isu Tagga Imaaraadka Carabta uga qeyb galay Shirka Caalamiga ah ee Gargaarka iyo Horumarinta, oo magaciisa lagu soo koobo DIHAD (Dubai International Humanitarian Aid and Development Conference).
Shirkan oo sannadkiiba mar la qabto ayaa socday muddo saddex maalmood ah, waxaana lagu lafaguray arrimo muhiim u ah howlaha gargaarka iyo horumarinta. Intii uu socday kulanka, waxaa lagu soo bandhigay habab cusub oo casri ah oo lagu horumarinayo shaqada gargaarka, doodo cilmiyeedyo qoto dheer, iyo xalal wax ku ool ah oo looga jawaabayo caqabadaha ka jira dhinaca gargaarka bani’aadannimo.
Mudane Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa fursad u helay inuu shirkan kula kulmo dowlado deeq bixiyeyaal ah, hay’adaha fuliya mashaariicda, iyo shirkado gaar loo leeyahay oo xiiseynaya inay ka qayb qaataan taageerada mashaariicda gargaarka, si loo xaqiijiyo hufnaan iyo waxtar dhanka adeegyada bulshada ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale gudbiyey warbixino muhiim ah oo ka turjumaya baahiyaha ka jira deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya, isaga oo u jeedkiisu ahaa in la helo taageero dheeri ah oo wax ku ool ah.
Shirka DIHAD wuxuu kusoo dhammaaday guul, iyadoo la rajeynayo in iskaashiyada halkaas ka bilowday ay noqdaan kuwo miro dhal ah.








