Home WARARKA CAALAMKA Taliyaha ciidamada Uganda oo xabsiga dhigay mid kamid ah Mucaaradka dalka Uganda...

Taliyaha ciidamada Uganda oo xabsiga dhigay mid kamid ah Mucaaradka dalka Uganda .

70
0

Sabti 03, May 2025 {CBB} – Taliyaha guud ee ciidamada Uganda, Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiilka madaxweyne Yoweri Museveni, ayaa sheegay in uu qeybta hoose ee gurigiisa ku hayo Eddie Mutwe, oo ah nin mucaarad ah, isla markaana uu u hanjabayo rabshado, kaddib markii xisbiga ninkaasi uu sheegay in si xoog ah loo afduubtay toddobaadkii hore.

Eddie Mutwe, oo ah ilaaliyaha gaarka ah ee hoggaamiyaha mucaaradka Bobi Wine, ayaa la
waayay dhammaadkii toddobaadka kadib markii rag hubeysan ay ku qabteen meel u dhow
caasimadda Kampala, sida uu sheegay xisbiga mucaaradka ee National Unity Platform (NUP).

Booliiska ayaa sheegay in aysan haynin Mutwe, oo magaciisa dhabta ah yahay Edward Ssebuufu, mana jirin illaa iyo hadda wax war ah oo rasmi ah oo laga helay halka uu ku sugan yahay.

Fiidnimadii Khamiista, Kainerugaba ayaa bartiisa X kusoo qoray fariimo taxane ah, isagoo soo dhigay sawir la sheegay inuu yahay Mutwe oo aan gashanayn shaati, kuna andacooday in uu “u qabtay sida ayax.”

Reuters ma aysan si madax-bannaan u xaqiijin sawirkaasi, hase yeeshee xisbiga NUP ayaa mar kale u isticmaalay sawirkaasi bartiisa X si uu taageero ugu raadiyo Mutwe.

“Wuxuu ku jiraa qolka hoose ee gurigeyga… adigana waad ku xigtaa!” ayuu Kainerugaba ku qoray fariin uu kaga jawaabayay qoraal uu Bobi Wine ku baanayay maqnaanshaha Mutwe.

“Wali kamaan jarin…,” ayuu sii raaciyay dhowr saacadood kadib, isagoo intaas ku daray inuusan sii deyn doonin Mutwe ilaa uu amar ka helo madaxweyne Museveni.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Uganda, oo ah hay’ad dowladeed, ayaa Khamiistii ku amray Kainerugaba in uu sii daayo Mutwe oo ay sheegeen in si sharci-darro ah loo hayay tan iyo 26-kii April, haddii kale uu wajihi doono dacwad ku saleysan baalmaridda dastuurka.

Afhayeenno u hadlay dowladda, ciidamada iyo booliiska Uganda ayaan si degdeg ah uga jawaabin codsiyo warcelin ah oo laga dalbaday.

Mucaaradka Uganda ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Museveni in uu si degdeg ah u kororsaday darajada milatari ee wiilkiisa Muhoozi si uu ugu diyaariyo xil-wareejin siyaasadeed, inkastoo Muhoozi uu si joogto ah u dhigo hadallo kacsan oo uu ku baahiyo baraha bulshada — kuwaas oo ay ka mid ahaayeen hanjabaad 2022 uu ku sheegay inuu weerari doono Kenya iyo mid kale oo Janaayo uu ku hanjabay in uu “madaxa ka jari doono” Bobi Wine.

Bobi Wine, oo horey u ahaan jiray fannaan caan ah, ayaa galay siyaasadda wuxuuna galay kaalinta labaad ee doorashadii madaxtinimo ee 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here