Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Gudoomiye Watiin oo Baydhabo dib ugu soo laabtey kadib safar muhiim ahaa...

Sawiro;-Gudoomiye Watiin oo Baydhabo dib ugu soo laabtey kadib safar muhiim ahaa oo uu Itoobiya ku tagey.

68
0

Axad 25, May 2025 {CBB}Guddoomiyaha degmada Baydhabo ahna Duqa magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo kadib safar shaqo oo uu ugu maqnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Safarka Guddoomiyaha ayaa la xiriiray ka qeybgalka shirar heer caalami ah oo diiradda lagu saarayey horumarinta magaalooyinka, xalinta arrimaha barakaca, iyo kor u qaadista adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa ay u baahan yihiin dadka deegaanka degmada Baydhabo.

Markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo, waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Guddoomiye ku-xigeennada Amniga iyo Arrimaha Siyaasadda, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada, Taliyaha Garoonka Shaati Gaduud, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulka degmada.

Guddoomiyaha degmada ayaa warbaahinta la hadlay isagoo sheegay in safarkiisa uu muhiim u ahaa dadaallada socda ee lagu horumarinayo magaalada Baydhabo, gaar ahaan dhinacyada adeegyada bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, iyo ka jawaabista baahiyaha dadka barakacayaasha ah. Wuxuu xusay in magaalada Baydhabo ay diyaar u tahay inay ka faa’iideysato fursadaha caalamiga ah ee horumarineed si loo gaarsiiyo adeegyo tayo leh dhammaan bulshada degmada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here