Home WARARKA MAANTA Wasiirka shaqada XF iyo dhalinyarada oo kulan wada yeeshey.

Wasiirka shaqada XF iyo dhalinyarada oo kulan wada yeeshey.

101
0

Axad 25, May 2025 {CBB}Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xildhibaan Yusuf Mohamed, oo uu weheliyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Xildhibaan Caynaashe Yusuf Xuseen, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, iyo fanaanka caanka ah Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan Hilaac).

Kulankan muhiimka ah ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Golaha Dhallinyarada Qaranka, iyadoo si gaar ah loo eegay arrimaha la xiriira shaqo-abuurka dhalinyarada, horumarinta xirfadaha, iyo diyaarinta fursadaha mashruucyada cusub ee lagu horumarinayo nolosha dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay in la dhiirrigeliyo dhalinyarada, loo abuuro fursado shaqo, isla markaana la taageero hal-abuurka iyo hindisayaasha dhalinyarada si ay door muuqda uga qaataan horumarka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasaaradda fursaddan wada-shaqeynta, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed la siiyo kaalin ay ku muujiyaan kartidooda, hal-abuurkooda, iyo doorashadooda horumarineed.

Fanaanka Nimcaan Hilaac oo kulanka goob joog ka ahaa ayaa tilmaamay doorka fanka iyo suugaanta ee dhallinyarada loogu dhiirrigelin karo hal-abuurka, nabadda, iyo horumarka, isagoo ballanqaaday inuu qayb ka qaadan doono ololaha wacyigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here