Home WARARKA MAANTA Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka XFS Cabdullaahi Abshirow oo booqdey safaarada...

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka XFS Cabdullaahi Abshirow oo booqdey safaarada Soomaaliya ee Tanzania.

76
0

Axad 25, May 2025 {CBB}Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, oo uu hoggaaminayo wafdi uu la socdo, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta safaaradda Soomaaliya ee magaalada Dar es Salaam, taasoo dhismihiisu marayo heer gebogebo ah.

Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdigiisa waxaa xarunta safaaradda si diirran ugu soo dhoweeyay safiirka Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Danjire Ilyees Cali Xasan. Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in safaaradda Soomaaliya ee Tanzania noqon doonto mid ka mid ah safaaradaha ugu bilicsan uguna casrisan ee dalkeennu ku leeyahay caalamka.

Safarkan waxaa qeyb ka ahaa ka-qeybgalka Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka ee Shirweynihii 19-aad ee Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, kaasoo socday muddo labo maalmood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here