Isniin 26, May 2025 {CBB}–Nin wata labo dhalasho oo kala ah dalalka Mareykanka iyo Jarmalka ayaa la xiray Axadii, kadib markii lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu gubo safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv, Israa’iil, sida ay xaqiijiyeen waaxda cadaaladda.
Saraakiisha ayaa sheegay in Joseph Neumayer oo 28 jir ah lagu qabtay garoonka diyaaradaha John F. Kennedy ee magaalada New York, halkaas oo lagu xiray markii Israa’iil ay masaafurisay, kadib markii lagu arkay walxo qarxa xilli uu marayay meel u dhow safaaradda Mareykanka.
Mr Neumayer ayaa kasoo muuqday maxkamad Axadii, waxaana lagu hayaa xabsiga, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay waaxda cadaaladda.
Xeer ilaaliyaha guud Pamela Bondi ayaa sheegtay: “Eedaysanahaan waxaa lagu soo oogay inuu qorsheynayay weerar ba’an oo lagu bartilmaameedsanayo safaaradeena Israa’iil, hanjabaad dil ahna u diray muwaadiniinta Mareykanka ah, iyo nolosha madaxweyne Trump.”
Xarigan ayaa yimid maalmo un kadib markii nin hubeysan uu laba ka mid ah shaqaalaha safaaradda Israa’iil ku dilay bannaanka madxafka Yuhuudda ee magaalada Washington, Mareykanka. Saraakiisha Federaalka ayaa intaas ku daray in Neumayer uu Israa’iil tagay bishii Abriil, waxaana 19-kii May uu boorso madow la tegay safaaradda Mareykanka ee Tel Aviv.







