Isniin 26, May 2025 {CBB}–Madaxweynaha Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta safar kale ugu dhoofay magaalada Nairobi, oo ah caasimadda dalka Kenya.
War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in safarkan uu madaxweynuhu ku wajahayo wadahadallo uu la yeelanayo Madaxweynaha Kenya, Mudane William Ruto, iyo madaxda kale ee dowladda Kenya.
Labada dhinac ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan arrimo muhiim ah oo quseeya xaaladda guud ee Geeska Afrika, nabadgelyada, iyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dhinac.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa qorsheynaya inuu kulamo gaar ah la yeesho qaar ka mid ah hay’adaha caalamiga ah iyo safaaradaha waddamada kale ee ku sugan magaalada Nairobi, si loo xoojiyo xiriirka iyo wada-shaqeynta Somaliland ay la leedahay beesha caalamka.







