Arbaco, 29 May 2025 {CBB} Waxaan ku faraxsanahay inaan xarunta dhexe ee IBS Bank ku soo dhawayney halyeeyada kubadda cagta Afrika – Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Okocha – kuwaas oo booqasho taariikhi ah ku yimid DalZBooqashadan muhiimka ah waxay muujinaysaa horumarka ka socda dalka, gaar ahaan dhanka isboortiga.
IBS Bank oo ah taabagaliyaha rasmiga ah ee Somali National League wuxuu si joogto ah uga go’an horumarinta ciyaaraha iyo dhiirigelinta dhalinyarada Soomaaliyeed.
Waxaan aaminsanahay in isboortigu yahay dariiqa mideeya bulshada, ka qeybqaata nabadda, kobciyana rajooyinka jiilka cusub. IBS Bank waxaa sharaf u ah inay garab taagnaato safarka horumarineed ee kubadda cagta Soomaaliyeed.








