Home WARARKA MAANTA Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

55
0

Khaniis 29-May-2025 {CBB} –  Wasiirka Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah la yeeshay Safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Danjire Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhanka difaaca iyo amniga, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay taageerada Mareykanka ee hawlgallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada Khawaarijta Al-Shabaab iyo Daacish.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Dowladda Mareykanka ka qaadato taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, gaar ahaan:

  • Tababarka iyo tayeynta ciidamada.

  • Qalabaynta iyo agabka amni ee lagama maarmaanka u ah hawlgallada.

  • Taageerada istaraatiijiyadeed ee lagu sugayo xasilloonida iyo amniga guud ee dalka.

Danjire Richard H. Riley ayaa isaguna dhankiisa xaqiijiyay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto garab istaagga Soomaaliya ee la xiriira sugidda amniga iyo dhismaha awoodda hay’adaha difaaca, isagoo xusay in ay muhiim tahay in guulaha laga gaaray hawlgallada socda la sii xoojiyo.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad buuxa iyo ballanqaad lagu adkeynayo wadashaqeynta labada dhinac si loo xaqiijiyo amniga, xasilloonida, iyo horumarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here