Home WARARKA MAANTA Shirweynaha madasha garsoorka 6-aad oo maanta la soo gaba gabeeyey

Shirweynaha madasha garsoorka 6-aad oo maanta la soo gaba gabeeyey

30
0

Jimco 30, May 2025 {CBB}Muqdisho, Soomaaliya – Waxaa si rasmi ah maanta ugu soo gabagaboobay magaalada Muqdisho Madasha 6-aad ee Shirweynaha Garsooreyaasha Dalka, oo socday muddo laba maalmood ah.

Intii uu socday shirku, waxaa si qoto dheer looga dooday arrimo muhiim ah oo quseeya adeeg bixinta cadaaladda iyo tayeynta hay’adaha garsoorka dalka. Madasha ayaa ahayd fursad lagu falanqeeyay caqabadaha heysta garsoorka dalka, iyadoo sidoo kale la is dhaafsaday talooyin iyo soo-jeedinno qiimo badan oo horseedi kara horumarinta nidaamka cadaaladda Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu lafaguray fursadaha dib-u-habeynta nidaamka garsoorka si loo xaqiijiyo madax-bannaanida, hufnaanta iyo dhexdhexaadnimada garsoorka dalka.

Madasha ayaa si rasmi ah waxaa u soo xiray Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed, oo bogaadiyay doorkii ay ka qaateen guddigii qabanqaabada, garsoorayaashii iyo martidii kale ee ka soo qeyb gashay. Guddoomiyuhu wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimada ay leedahay xoojinta mabaadi’da aasaasiga ah ee garsoorka, isagoo ku booriyay dhammaan hay’adaha garsoorka in ay sii laba jibaaraan dadaallada dib-u-habeynta iyo sare u qaadista cadaaladda dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here