Jimoco 30 May 2025{CBB} Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay badbaadisay doonni sidday muhaajiriin Soomaaliyeed oo laba maalin ka hor ka baxday Wadanka Al-geria.
Dadka la badbaadiyay ayaa isugu jirta; 19 rag ah, 3 dumar ah & Ilmo yar oo hal bil dhalan sida ay xaqiijisay Dowladda Spain.
Talaabadan lagu bad baadiyay muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa ku soo beegmeyso xili shalay ay bada u dhaxeyso wadamada Al jeeriya iyo Spain ay ku geeriyoodeen dhainyaro Soomaaliyeed oo tahriibayaal ahaa.







