Sabti 31 May 2025{CBB}Wasiir Sahra Cusmaan Axmed oo Daahfurtay Imtixaanka Naqliga ee Sanad Dugsiyeedka 2024–2025 kana Kormeertay Dugsiyo Ku Yaalla Baydhabo.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Marwo Sahra Cusmaan Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay imtixaanka Naqliga ee sanad dugsiyeedka 2024–2025, xilli ay kormeer shaqo ku tageysay qaar kamid ah dugsiyada ku yaalla magaalada Baydhabo.
Wasiir Sahra waxaa kormeerkan ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta Mudane Maxamed Ibraahim Bilaal, Wasiirada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Shamso Maxamed Yarow, iyo sidoo kale xubno sare oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada ee Koonfur Galbeed.
Dugsiyada ay booqdeen wafdiga wasiirada waxaa ka mid ahaa Iskuulka Baydhabo, Dugsiga Gabdhaha ee Cabdalla Deerow, iyo Iskuulka Dr. Ayuub. Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu xaqiijiyo heerka diyaar garowga ee ardayda u fariisanaysa imtixaanka naqliga, iyo sidoo kale in kor loo qaado dhiirigelinta ardayda iyo macalimiinta dadaalka dheer ku bixiyay waxbarashada.
Wasiir Sahra ayaa intii ay kormeerka ku jirtay kula hadashay ardayda, macalimiinta iyo maamulka iskuulada, iyadoo ku boorisay in ay sii labanlaabaan dadaalkooda si loo helo mustaqbal ifaya oo waxbarasho ku dhisan. Waxay sidoo kale tilmaantay muhiimadda ay leedahay in imtixaanka si cadaalad ah oo hufan loo maamulo, iyadoo xustay in Wasaaraddu ka go’an tahay kor u qaadidda tayada waxbarashada gobolka.
Ugu dambeyn, wasiiradu waxay u mahadcelisay dhammaan macalimiinta, maamulka iskuulada iyo waalidiinta taageerada joogtada ah ee ay siiyaan ardayda, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay guusha laga filayo sanadkan imtixaadka.








