Arbaco 18, June 2025 {CBB}-Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku taalla waddanka Türkiye ayaa si rasmi ah ugu wargelisay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Iiraan in loo fududeynayo sidii ay uga bixi lahaayeen dalkaasi, maadaama uu halkaa ka billowday dagaal khatar gelin kara badqabkooda.
War qoraal ah oo lagu daabacay bogga X (hore Twitter) ee safaaradda Soomaaliya ku leedahay magaalada Ankara ayaa lagu sheegay in safaaraddu ay diyaar u tahay in ay kaalmo siiso muwaaddiniinta doonaya in ay si nabad ah uga baxaan dalka Iiraan, iyagoo dib ugu laabanaya Soomaaliya.
Bayaan safaaraddu ay soo saartay ayaa lagu yiri: “Safaaradda JFS ee Wadanka Türkiye waxay la socodsiinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan wadanka Iran ee doonaaya inay iskaga soo baxaan wadankaas dagaalada halkaas ka socda darteed, in ay lasoo xiriiraan safaaradda si looga kaalmeeyo sidii ay si nabad ah waddankooda ugu noqon lahaayeen.”
Safaaradda ayaa sidoo kale ku boorrisay dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed in ay si degdeg ah ula soo xiriiraan, si loo fududeeyo isdiiwaangelintooda iyo qorsheynta safarkooda, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo badbaadadooda iyo in aanay ku dhex-dumin xiisadda colaadeed ee kasii daraysa ee dalka Iiraan.
Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay ku ilaaliso danaha iyo badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalalka dibadda, xilli xaaladaha degdegga ah ay mararka qaar ku qasbaan dadku in ay faarujiyaan goobaha ay joogaan.







