Home WARARKA MAANTA Shirka Wadatashiga Qaranka oo galay maalintiisii 3aad

Shirka Wadatashiga Qaranka oo galay maalintiisii 3aad

40
0

Arbaco 18, June 2025 {CBB}-Shirka Gogosha Wadatashiga Qaranka ee ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintiisii seddexaad, iyadoo kulammada maanta si gaar ah loogu jeedinayo arrimo muhiim u ah masiirka siyaasadeed iyo amni ee dalka Soomaaliya. Qodobbada ugu waaweyn ee miiska saaran ayaa kala ah sugidda amniga guud ee dalka, dejinta hannaan doorasho oo mideysan, iyo dhammeystirka dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka ah ee dalka.

Waxaa la filayaa in maanta ay dood adag dhex marto dhammaan dhinacyada ka qeybgalaya shirka, iyadoo xubnaha ka socda dowladda federaalka, maamul-goboleedyada iyo qeybaha kale ee bulshada ay isla falanqeyn doonaan caqabadaha heysta amniga, mugdiga ku jira nidaamka doorashooyinka, iyo sababaha dib u dhigay dhameystirka Dastuurka oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Dhanka kale, siyaasiyiinta mucaaradka oo aan shirka ka qeyb galin ayaa horey u muujiyay dhaliil xooggan oo ay u jeediyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda, iyagoo ku eedeeyay inuusan si dhab ah ugu taagneyn helitaanka xal waara oo lagu wajaho caqabadaha siyaasadeed iyo sharci ee horyaalla dalka. Waxay sidoo kale ka cabanayaan inaan la siin fursad dhameystiran oo ay ku dhiibtaan aragtidooda.

Guddiga qaban-qaabada shirka, oo uu hoggaaminayo Wasiir Xasan Macalin, ayaa sheegay in maanta ay dhinacyadu si toos ah uga doodayaan qodobada la xiriira amniga, doorashooyinka iyo dib u eegista Dastuurka, iyagoo intaas ku daray in doodo hore oo waxtar leh laga dhageystay labada maalmood ee hore. Talooyin wax toosinaya ayaa laga sugay siyaasiyiinta, waxaana si toos ah u dhageysanayay Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, iyo xubnaha guddiga dowladda u qaabilsan gogosha wadatashiga.

Waxaa la saadaalinayaa in shirka la soo xirayo maanta ama maalinta beri ah, iyadoo lagu wado in laga soo saaro warmurtiyeed rasmi ah oo soo koobaya qodobada laga heshiiyay iyo kuwa weli u baahan wadahadal iyo is-faham dheeraad ah.

Shirka ayaa imaanaya xilli uu dalka ku jiro marxalad adag oo siyaasadeed, gaar ahaan muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka oo ay si weyn isugu hayaan hoggaanka Villa Soomaaliya iyo siyaasiyiinta mucaaradka, iyadoo Maamulada Puntland iyo Jubbaland si cad u muujiyeen inay ka aragti duwan yihiin qaabka ay dowladda dhexe u wajahday geeddi-socodka doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here