Jimco , 20 June 2025 {CBB} –Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Sare Aamin Mad-Daruur, ayaa guddoomiyay shir looga hadlay adkeynta xasiloonida degmada Baydhabo, xoojinta wada-shaqeynta laamaha kala duwan ee amniga, iyo kor u qaadista doorka bulshada ee ka qaybgalka sugidda amniga.
Taliyaha qaybta booliska Gobolka Baay, Gaashaanle Sare Aamin Mad-Daruur, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay isku xirnaanta laamaha amniga iyo shacabka deegaanka, si loo helo deegaan nabdoon oo xasilloon.
Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah: wixii ka dambeeya halka Saac habeenimo aysan gudaha magaalada Baydhabo ka shaqeyn karin wax Bajaaj ah.
Gaashaanle Sare Aamin Mad-Daruur, ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay ciidamada booliska ee sida geesinimada leh uga qayb qaatay sugidda amniga mudadii lagu jiray imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.








