Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS iyo Mas’uuliyiin Kale oo si Rasmi ah u Daah-furay...

Sawiro;-Guddoomiyaha Baarlamaanka KGS iyo Mas’uuliyiin Kale oo si Rasmi ah u Daah-furay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiyada Koonfur Galbeed.

46
0

Sabti, 21 June 2025 {CBB} Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad Dhamaad-ka Dugsiga Dhexe ee Sanad Dugsiyadeed-ka 2022-ilaa 2023-ka ayaa ka bilaabmay Deegaanada Koonfur Galbeed.

Sanadkaan Tirada Guud ee Ardayda Imtixaanka Fasalka 8-aad u fadhiisatay Deegaanada Koonfur Galbeed ayaa ah 15,269 kun.

Gobol kasta waxaa Imtixaanka u galay sida tan Gobolka Shabeelaha Hoose 7,577 oo Arday Gobolka Baay 6,809Arday, iyo halka Gobolka Bakool na uu yahay 883 Arday.

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Baydhabo ka daah-furtay Imtixaanka, oo sanadkaan ay u farissteen Arday Fara badan.

Waxaa uuna ka kala dhacay Degmooyinka qaar ee Gobolada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Imtixaanka oo ay si wadajir ah u daahfureen Gudoomiya ah Baarlamaanka ee Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koofur, iyo Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed ayaa waxaa wehlinaayey Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada agaasimaha imtixaandka Wasiirka caafimaadka Wasiirka qorsheenta Wasiirka haweenka , Gudoomiyaha Degmada Baydhabo qaar kamid ah shaqaalaha wasaarada waxbarashada  Taliyaha Ciidanka Booliska Koonfur Galbeed iyo Mas’uuliyiin kale.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo  ayaa ugu horeyntii ka hadalay Daahfurka Imtixaanka.

Cod

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo wasiirka caafimaadka  Koonfur Galbeed wasiirka habeenka  wasiirka qorsheenta oo dhankooda hadlay ayaa Ardayda u rajeeyey Guul.

Cod

Gudoomiyaha Baarlamaank a  ee Golaha Wakiilada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed ayaa Ardayda Imtixaanka galaysa kula dardaarmay in ay iska Ilaaliyaan Qishka, iyagoona u rajeeyey Natiijo Wanaagsan.

Cod

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Sanad kasta qaada Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe, Ardaydii ka gudubtana kuna guulaysata Imtixaanka ayaa la geyn doono Fasalka 9-aad ee bilowga Dugsiga Sare.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here