Home WARARKA MAANTA Imtixaanka Dugsiga sare ayaa maanta soo Dhamadey.

Imtixaanka Dugsiga sare ayaa maanta soo Dhamadey.

36
0

Khamiis , 19 Juun  2025 {CBB}Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa si rasmi ah u soo xiray Imtixaanka Qaranka ee fasalka 12-aad ee dugsiyada sare ee dalka.

Imtixaanka ayaa si nidaamsan uga socday muddo lix maalmood ah 139 xarumood oo ku yaal gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka. Sannadkan, waxaa imtixaanka u fariistay in ka badan 39,000 oo arday, taasoo muujinaysa horumar ballaaran oo laga gaaray ka qaybgalka waxbarashada heerka sare.

Munaasabadda xiritaanka imtixaanka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad dhiirrigelin iyo mahadcelin leh u jeediyey ciidamada amniga ee sugayey nabadgelyada imtixaanka, macallimiinta, maamulka dugsiyada, waalidiinta, iyo dhammaan bahda waxbarashada oo door muhiim ah ka qaatay qabsoomida imtixaanka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in imtixaanku uu si hufan, nabad ah, oo daahfuran u dhacay, taas oo caddeyneysa dadaalka joogtada ah ee dowladda ku bixineyso horumarinta tayada waxbarashada.

Wuxuu sidoo kale u rajeeyay guul iyo mustaqbal ifaya dhammaan ardaydii u fariisatay imtixaanka, isagoo ballan qaaday in natiijada imtixaanka si degdeg ah loo shaacin doono si ay ardaydu ugu gudbaan marxaladooda xigta ee waxbarasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here