Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ahna Duqa Magaalada IyoTaliyaha Saldhigga Booliska Degmada, iyo Taliyaha...

Sawiro;-Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ahna Duqa Magaalada IyoTaliyaha Saldhigga Booliska Degmada, iyo Taliyaha Boliiska Gaar ah, ayaa kormeer ku tagay dhul beereed ay ku muransanayan laba beelood

34
0

Axad, 22 June 2025 {CBB}Guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn ahna Duqa Magaalada, Mudane Abdikadir Mohamed Abdullahi, oo ay wehliyeen Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Degmada, Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada, iyo Taliyaha Boliiska Gaar ah, ayaa kormeer ku tagay dhul beereed ay ku muransanayan laba beelood oo ku yaalla gudaha degmada.

Kaddib dhageysi iyo qiimeyn ay ku sameeyeen labada dhinac ee muranku ka dhexeeyo, ayaa waxaa la bixiyay amar ah in aan wax ficil ah laga fulin karin dhulkaas, ilaa amar rasmi ah uu ka soo baxayo maamulka degmada.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale faray labada dhinac ee is heysta in ay si degdeg ah ay ku yimadaan xarunta maamulka degmada, si xal rasmi ah oo wada ogol ah loogu gaaro arrinta.
Maamulka degmada ayaa mar kale xasuusiyay shacabka in khilaafaadka dhulka loo maro sharciga iyo wada hadal nabadeed, si looga fogaado isku dhac iyo rabshado keeni kara amni-darro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here