Home WARARKA MAANTA Sawiro;-Gudoomiyaha Barlamaanka KGS ayaa booqadey xarunta wasaaradda xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa...

Sawiro;-Gudoomiyaha Barlamaanka KGS ayaa booqadey xarunta wasaaradda xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Koonfur Galbeed .

33
0

Axad, 22 June 2025 {CBB}Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Koonfurgalbeed oo booqday Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Koonfur Galbeed .

Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfurgalbeed ayaa si diirran u soo dhoweysay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Koonfurgalbeed, Amb. Ali Said Fiqi.
Guddoomiyaha waxaa si sharaf leh u qaabilay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Hon. Sandhere Mohamed, oo ay weheliyaan Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Abdulhakim Fiqi.
Mas’uuliyiintu waxay si wadajir ah u kormeereen waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda, oo ay kamid tahay qaybta farmashiyaha (pharmacy) ee bixisa adeegyada caafimaad ee la xiriira xanaanada xoolaha.
Booqashadan rasmi ah waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Koonfurgalbeed uga go’an tahay horumarinta iyo tayeynta adeegyada la xiriira xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa — kuwaas oo laf-dhabar u ah nolosha iyo dhaqaalaha bulshada ku tiirsan xoolaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here