Home WARARKA MAANTA Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo lagu soo dhaweeyay Aljeeriya

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo lagu soo dhaweeyay Aljeeriya

34
0

Isniin 23, June 2025 {CBB} Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Yuusuf Maxamed Aadan, ayaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Algiers, caasimadda dalka Aljeeriya.

Wafdiga Wasiirka waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Xiriirka Arrimaha Bulshada, Qoyska iyo Haweenka ee dalka Aljeeriya, Mudane Zahiir Shadhah, iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaas, Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego).

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dalkaasi uga qeyb geli doona Shirweynaha Horumarinta Bulshada iyo Dhaqaalaha ee Wadamada Carabta, kaas oo si rasmi ah uga furmaya magaalada Algiers. Shirkan ayaa ujeedkiisu yahay in la xoojiyo iskaashiga dhaqaale, bulsho iyo horumarineed ee ka dhaxeeya dalalka Carabta, iyadoo la filayo in Soomaaliya ay ka jeediso khudbado muhiim ah oo ku aaddan baahiyaha iyo qorsheyaasha horumarineed ee dalka.

Wafdiga Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inay kulammo gaar gaar ah la yeeshaan mas’uuliyiinta kale ee ka qeyb galaya shirka, si kor loogu qaado iskaashiga dhanka shaqada, arrimaha bulshada, tababarrada iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here