Isniin 23, June 2025 {CBB}Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa si kulul u cambaareysay weerarka Mareykanka iyo Israa’iil ay ku qaadeen xarumaha Nukliyeerka ee dalka Iiraan, iyadoo ku tilmaantay mid si toos ah ugu xadgudbaya madax-bannaanida dhuleed ee Iiraan iyo Axdiga Qaramada Midoobay.
Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in weerarkaasi uu muujinayo sida Israa’iil iyo xulafadeeda reer Galbeed ay u hurinayaan xiisadaha gobolka Bariga Dhexe, taasoo khatar weyn ku ah xasilloonida caalamka.
Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in tallaabooyinkaas ay yihiin kuwa sharci-darro ah oo meel uga dhacaya qawaaniinta caalamiga ah, iyada oo ugu baaqday beesha caalamka in ay si degdeg ah u cambaareeyaan ficillada colaadeed ee Mareykanka iyo Israa’iil.
Afhayeenka ayaa carabka ku adkeeyay in Kuuriyada Waqooyi ay garab taagan tahay Iiraan, isagoo xusay in labada dal uu ka dhaxeeyo xiriir istiraatiiji ah oo ku saleysan iskaashi siyaasadeed iyo mid tignoolajiyadeed, gaar ahaan dhinacyada difaaca.







