Home WARARKA CAALAMKA Donald Trump oo muujiyey suuragalnimada isbeddel hoggaan oo ka dhaca Iiraan

Donald Trump oo muujiyey suuragalnimada isbeddel hoggaan oo ka dhaca Iiraan

35
0

Isniin 23, June 2025 {CBB}Madaxweymaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa carrabaabay suuragalnimada in isbeddel hoggaan uu ka dhaco dalka Iiraan, xilli xiisadda gobolka Bariga Dhexe ay cirka isku sii shareereyso.

Trump ayaa sheegay in inkastoo aysan siyaasad ahaan sax ahayn in la adeegsado erayga “regime change” ama isbeddel hoggaan, hadana haddii dowladda hadda jirta ee Iiraan aysan awoodin inay wax ka beddesho jihadeeda siyaasadeed iyo amni, ay khasab noqon doonto in isbeddel dhaco. Wuxuu tilmaamay in taasi tahay mid ay xaqiijin karaan duruufaha taagan, isagoo u muuqday mid taageersan wax ka beddel weyn oo ka dhaca hoggaanka Tehran.

Hadalka Trump ayaa yimid xilli ay sii xoogeysanayaan weerarrada militari ee u dhexeeya Iiraan iyo Israa’iil, iyadoo Mareykanku uu si dadban uga qeyb qaadanayo colaaddaas.

Dhanka kale, suuqyada tamarta caalamka ayaa si feejigan uga falceliyay xiisadda sii kacaysa, waxaana markii ugu horreysay tan iyo weerarka, dib loo furay xilliyadii ganacsiga shidaalka. Qiimaha saliidda ayaa markii hore kor u kacay illaa 3%, balse waxa uu hoos ugu soo dhacay 2.75%, taasoo laga dareemay xasilooni kooban oo aan gaarin heerkii laga baqayay.

Falanqeeyayaal badan ayaa sheegay in inkastoo kororka qiimaha shidaalku aanu aad u weynayn, haddana uu yahay calaamad muujinaysa in suuqyadu si dhow ula socdaan xaalada gobolka, iyadoo tallaabo kasta oo cusub ay keeni karto isbedel degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here