Home WARARKA MAANTA Faah faahin dagaal Culus oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

Faah faahin dagaal Culus oo ka Dhacay Duleedka Magaalada Baydhabo.

46
0

Isniin 23, June 2025 {CBB}Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waaberigii hore ee saakay jab xooggan ugu geystay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay Maleeshiyaad ka tirsan ee Al-Shabaab oo weerar kusoo qaaday deegaanka Burjeed oo dhowr iyo toban KM dhanka bari kaga beegan magaalada Baydhabo oo ah xarunta KMG ka ee maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiisha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan duleedka magaalada Baydhabo ayaa u sheegay Warbaahinta  in waaberigii saakay weerar xogtiisa la hayey ay maleeshiyaadka As kusoo qaadeen deegaanka Burjeed, taasi oo ay ciidammadu ugu diyaarsanaayeen iney cashir u dhigaan  oo hada badankood goobta lagu laayey, waxaana saraakiishu ay sheegeen in hada ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here