Khamiis 26 june 2025 {CBB}Zohran Mamdani, oo ah 33 jir ku dhashay Uganda balse ku barbaaray New York, ayaa guul taariikhi ah ka gaadhay doorashada hordhaca ah ee xisbiga Dimoqraadiga, isagoo u muuqda inuu noqdo musharraxa rasmiga ah ee duqa magaalada New York. Haddii uu ku guuleysto doorashada guud, wuxuu noqonayaa Muslimkii iyo South Asian-kii ugu horreeyay ee hogaamiya magaalada ugu weyn Mareykanka.
Guul Taariikhi ah oo ka Dhalatay Taageero Dadweyne
Mamdani ayaa helay 43% codadka, isagoo ka hor maray guddoomiyihii hore ee gobolka, Andrew Cuomo, oo helay 36%. Inkastoo codadka kama dambaysta ah ee nidaamka “ranked-choice” aan la dhammeystirin, haddana hoggaankiisa ayaa loo arkaa mid aan sahal lagu heli karin. Guushiisa waxaa kor u qaaday taageero ballaadhan oo uga timi dadweynaha, gaar ahaan dhalinyarada iyo bulshada dhaqaalaha hoose.
“Caawa waxaan dhignay taariikh,” ayuu yirdh Mamdani. “Waxaan noqonayaa musharraxa Dimoqraadiga ee duqa New York.”
Noloshiisii hore – isku dhafnaan
Mamdani wuxuu ku dhashay Kampala, Uganda, balse wuxuu u soo guuray Mareykanka isagoo toddobo jir ah. Wuxuu bartay ka bartay cilmiga Africana Studies, jaamacadda Bowdoin College, wuxuuna ka tirsanaa ururka ardayda ee u dooda xuquuqda Falastiiniyiinta. Ka hor intii uusan siyaasadda gelin, wuxuu ka shaqeyn jiray arrimaha latalinta ee guryaha, isagoo gacan ka siin jiray dadka dakhligoodu hooseeyo inay guryahooda ilaashadaan.
Hooyadiis waa Mira Nair, oo ah filim sameeye caan ah, aabbihiisna waa Prof. Mahmood Mamdani oo wax ka dhiga Jaamacadda Columbia. Labada waalidba waxay wax ku soo barteen Harvard.







