Home WARARKA CAALAMKA Waa sidee xaaladda dalka Iran maanta oo Khamiis ah?

Waa sidee xaaladda dalka Iran maanta oo Khamiis ah?

48
0

Khamiis 26 june 2025 {CBB}  Warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in dowladdu ay billowday inay dib u furto garoomada diyaaradaha ee ku yaalla qeybta bari ee dalkaas, iyadoo noloshu ay si tartiib tartiib ah caadi ugu soo laabanayso.

Khadka internetka ayaa dib loo soo celiyay waxaana dib loo furay dukaamada iyo guud ahaan goobaha ganacsi ee dalka.

Tirada rasmiga ah ee dadka ku dhintay weerarada Israel ayaa kor u dhaaftay lix boqol oo qof.

Waxaa ka mid ah madaxa Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran Hossein Salami, kaas oo aaskiisa uu dhacayo Khamiista manta.

Aas qaran oo kale oo loo samaynayo taliyayaashii la dilay iyo saynis yahanada xarumaha qaar ee nukliyeerka ayaa dhici doona Sabtida soo socota.

Dhanka Israa’iil, madaxa hay’adda sirdoonka, Mossad David Barnea, ayaa u mahadceliyay wakiilladiisa, isagoo sheegay in howlgalkooda ay ku bartilmaameedsanayeen hoggaanka militariga Iran ay Israa’iil ka dhigeen waddan ammaan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here